Awareness

Cudurka Macaanka (Diabetes)

Waa maxay cudurka macaanka (Diabetes)?

Cudurka macaanka ama sokorowga waa cudur leh sababa kala duwan dadka qabaahina ay dhiigoodu ku badantahay sokorta waxaana loo yaqaanaa ‘’hyperglycemia’’.

Cudurka macaanka waxa uu ku imaan karaa :

1:In jirku uusan helin insulin ‘hormone’ kufilan
2. Iyo in jirka uu san ka jawaabin insulinta.(insulin resistance)
Insulin waxaa sameeya Ganaca(pancreas) , Ganaca waxaa ku jira unugyo ‘‘islets’’ kuwaasi oo sameeya insulinta kadibna ku dara dhiiga si ay u yareeso sokorta badan ee ku jirta dhiiga. Waqti dheer hadii cudurkan uu sii raago waxa uu keeni karaa caqabado ay kamid yihiin: cudurada wadnaha, sida wadnaha oo istaaga, kilyaha oo shaqa gaba, indha la’an dhibaatooyin dhanka ilkaha ah farxd darro iyo dhibatoyin dhanka uurka ah hadii mamada xaamilada ah uu kudhaco cudurka macaanka.

Noocyada cudurka macaanka:

Cudurkan waxa uu leeyahay seddex nooc oo kala ah:

 

Nooca 1aad (Type 1 diabetic mellitus): waxaa sababa in jirku uusan helin insulin kufilan taas oo katimid burbur kuyimid unugyadi soo saari lahaa waxa uuna inta badan ku dhacaa caruurta iyo dadka da’da yar.
Sababaha ugu badan ee qofka uu kugu dhici karo cudurka waxa ay noqon karaan kuwa dhaxal ah oo kaga yimid waalidkiisa oo horay uqabay cudurka macaanka, sababa la xiriira degaanka sida cunada uu qofku cunayo iyo in burbur uu kuyimado unugyadii soo saari lahaa insulin.

 

Nooca 2aad (Type 2 diabetic mellitus): noocan waxaa keena sababa ay kamid yihiin jirka oo ka jawaabin insulin (insulin resistance) ama in uusan helin insulin ku filan ama unugyada beerka oo aan si wanaagsan u isticmaalin insuinta lasoo saaray.

 

Nooca 2aad ee cudurka macaanka waxa uu ku dhacaa dadka da’a dhaxaadka ah, dadka duqoobay iyo sidoo kae dadka aadka u cayilan, uma badna in uu ku dhaco dadka yar yar haddii aysan ahayn kuwa ciyilkoodu xad dhaaf yahay.

Sababaha ugu badan ee noocan lala xiriiriyo waxaa kmid ah, cayilka saa ‘idka ah, jimicsi la’aanta , jirka oo insulinta si haboon u adeegsan , iyo beerka oo soo saaro sokor aad u badan taa oo keenta in dhiiga ay sokor badan ka buuxsanto.

Dadka halista ugu jira nooca 2aad:

Da’da 45sano iyo wixii kabadan.
Dadka cayilka xad dhaafka ah.
Dadka aan jimicsiga sameyn.
Dadka cadaadiska dhiigoodu uu ka sareeyo 140/90.
Dadka qaba cudurada wadnaha.
Nooca 3aad: noocan waxa uu ku dhacaa haweenka uurka leh oo kaliya (Gestational diabetes) waxaana sababa is bedel ku yimaada hormoonada.

 

Calaamadaha lagu garto kaadi macaanka:

Oon badan  (polydipsia).

Kaadi badan  (polyuria).
Gaajo badan (polyphagia).
Daal badan.
Meelaha dhawaca soo gaaro oo aan dhaqsa reysan (deleyed wound healing).
Araga oo daciifo  (poor vision).
Miisaanka qofka oo yaraado  (weight loss).
Caabuq soo noqnoqd

TALO CAAFIMAAD

Waxyaabaha ugu muhiimsan iyo qaabka loo isticmaalo waxaa ka mid ah

 

  1. Jooji gebi ahaan sokor iyo wax sokor ay ku jiro – sida cabitaanka, xalwada, buskudka iyo dhamaan waxyaabaha la qaso.
  2. Cun keliya qudaar qudaar cagaar ah ama la shiiday sida Maraqa.
  3.  Ha cunin MIRAHA “FRUIT” ay ku jiraan NATURAL SWEET ama macaanka dabiiciga ah,sida Mooska ,Tufaax, Liinta Macaan iyo wixi lamidah.
  4. 4 asbuuc ama 1 bil maalin walba 10 daqiiqo OROD ama 30 daqiiqo o socod ah.
  5.  Iska ilaali Fikir iyo qaylo.
  6. 7 maalmood isku day in aad Dabaalatid, 15 daqiiqo maalintii.

Dr Cabdifitaax Cabdulaahi Jaamac

Book a Consultation

It’s easy and free!